(Hadalsame) 23 Juun 2023 – Badhtamihii qarnigii tagay ilaa maanta dawladaha carabtu soomaalida wax ay ku wadeen mu’aamarad ay heshiis ku ahaayeen, taas oo ah in ay soomaalida dhalan rogaan oo carabeeyaan.
Iskuullo carabayn ah oo diin la soo huwiyay ayay ka furteen magaalooyinka waaweyn, markii dambena gobollada oo dhan. Maalmihii kacaanka hantiwadaagga diinlaawaha ahi dalka qabsaday, ee danihii shisheeyaha oo dhan qarameeyay, madrasadihii carabta badankoodii waa la xidhay, sida kuwii Sacuudiga iyo Kuwayd ku lahaayeen Muqdisho, waxaana la soo reebay kuwii Masaarida sabab aanan garanayn.
Haddaba carabtu si ay u sii wadaan qorshahoodii carabaynta diimaysan wax ay awooddooda ku mideeyeen iskuulladii Masaarida, dhammaan gobolladana waa la ga furay. Dadka waxaa loo sheegi jiray iskuulladaa in Masar lee dahay, badankoodana Jaamacadda Azhar, se run ahaantii waxaa lahaa oo maalgelin jiray Ururka Jaamacadda Carabta.
Aniga oo ka mid ah dadkii dugsiyadaa ka soo baxay, maanta wax aan ka argagaxaa sidii ay noo carabayn jireen, ee manhaj carbeed noo gu dullaysteen, noo gana fogeeyeen soomaalinnimadii.
Weligood na ma ay siin cashar ku saabsan taariikhdayada iyo juqraafiga dhulkayaga, hadda weligood, wax ayna siddeed sano na gu wadne gooyeen wax carbeed. Taariikhda, juqraafiga, hiddaha iyo suugaanta carabta ayaannu wada xifdinay.
Maanta carabtu hawshii waa ay sii boqol laabeen, waxaana soo kordhay in ay furaan iskuullo carabayn ah oo ay dad soomaali ah ku maalgeliyeen. Hoogga soomaalida ku dhacay waa iyada oo mar qudha carabta ku odhan kari wayday, waar diinta na ga ma badisaan ee na gu caawiya waxbarasho aannu aqoon kale ka dheefno. Odhan maayaan waayo Ilaahay baa u gumeeyay.
W; Q: Ibraahim Hawd
Hadalsame Media