”Weli shaqo-gurigeedii kamasoo bixin” – Turkiga oo CADDEEYEY waxa uu Sweden ka doonayo kahor inta uusan u fasixin NATO

0

(Ankara) 22 Juun 2023 – Türkiye waxa ay wali sugaysaa Sweden inay la dagaallanto kooxaha ay u aragto argagaxisada, kahor inta aysan Ankara ansixin qorshaha Stockholm ee ah inay ku biirto NATO, sida uu sheegay afhayeenka Baarlamanka dalkaasi, Numan Kurtulmus.

Kurtulmus oo la hadlayey TV-ga TRT ayaa sheegay in Turkiga uu “sugayo tillaabooyin la taaban karo” oo ka yimaada Iswiidhan, wuxuuna xusay sharci dhowaan lagasoo saaray la dagaallanka argagixisada kaasoo sharci darro ka dhigaya in taageero la siiyo kooxahan ay Turkigu diiddan yihiin ee jooga dalka Midowga Yurub.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan caddeeyo inaan arrintan u aragno wax wanaagsan, laakiin Turkiga ahaan, waxaan jeclaan lahayn inaan aragno hirgelinteeda,” ayuu afhayeenku carrabka ku adkeeyey.

Kurtulmus ayaa sidoo kale sheegay in Sweden aysan weli soo wareejin shakhsiyaad ay Ankara u aragto argagixiso. “Ma aad ayay u adag tahay in Turkiga loosoo gacan geliyo?” ayuu is waydiiyey.

Islamar ahaantaana, Kurtulmus wuxuu ku adkaystay in Turkigu uusan ujeed gaar ah ka lahayn Sweden ama dalal woqooyiga Yurub ee ay deriska yihiin ee Finland inay ka mid noqdaan NATO.

“Su’aal kama qabno mana kasoo horjeedno gelitaanka dalalkan ee NATO,” ayuu yiri sarkaalku, isagoo ku doodaya in labada waddan ay si kastaba ha ahaatee ay ahayd inay qabtaan “shaqo gurigooda” kahor inta uusan Turkigu aqbalin ku biiritaankooda.

Hadalsame Media