SHIN-TIRIN CABSI LEH: Xilliga rasmiga ah ee uu ogsijiinku ka dhamaanayo gujiska la la’yahay oo la shaaciyey (2 Muslim ah oo ku jirta)

0

(Hadalsame) 22 Juun 2023 – Dunidu waxay weli sugaysaa war farxad leh xilli rajada shanta rakaabka ah ee saaran markab yaraha gujiska ah ee Titan ay si deg deg ah u xirmayso, waxaana haatan la xaqiijiyey in sahayda ogsijiintu ay ka dhammaanayso 7.08am ET (qiyaastii 12.08pm waqtiga UK) maanta, sida uu saadaaliyey ilaalada xeebaha Maraykanka.

Ku dhawaaqiddan ayaa sawir xun ka bixisay dadka ku go’doonsan gudaha gujiskan, balse saraakiishu waxay sii wadaan inay ku adkaysteen in weli ‘100 boqolkiiba’ uu sii soconayo hawlgalka goobidda iyo samatabbixinta ah.

The Titan, oo ah dooni yar quusi karta oo qofkiiba dalxiis ahaan laga qaado $250,000 islamarkaana ay maamushoOceanGate Expeditions, ayaa biyaha hoostooda ku jirta ilaa 8 subaxnimo Axaddii iyada oo ay saarnaayeen shan qof.

Kooxda saaran, oo loo bixiyay Titan Five, waxaa ku jira bilyaneer Ingiriis ah Hamish Harding, Agaasimaha Guud ee OceanGate Stockton Rush, ruug caddaa ciidanka badda Faransiiska ahaa, PH Nargeolet iyo ganacsade Pakistani ah Shahzada Dawood iyo wiilkiisa Suleymaaan.

Stricken Titan submarine will run out of oxygen at 12:08pm UK time: Coastguard makes prediction | Daily Mail Online

Hadalsame Media