N’Golo Kante oo sheegay hal arrin oo uusan illaawi doonin & Mid uu ka sheegtay

0

(Riyaad) 22 Juun 2023 – N’Golo Kante ayaa si qarsoodi ah ama sogordahan u weeraray wax uu ku sheegay ‘xanta iyo beenta’ isagoo ugu mahadceliyey taageerayaasha Chelsea warqad sagootin ah oo uu u diray kaddib markii uu u dhaqaaqay kooxda Saudi Pro League ee Al-Ittihad.

U dhaqaaqida Kante ee Sucuudi Carabiya ayaa la xaqiijiyey fiidnimadii Talaadadii, taasoo soo afjartay todobo sano oo uu ku sugnaa Stamford Bridge.

Intii uu joogey kooxda, Kante waxa uu ku guulaystey Premier LeagueChampions League, Europa League iyo FA Cup.

Kante ayaase ku adkaystay inuusan weligiis iloobi doonin taageerayaasha Chelsea oo uu ku xusay warqadiisa sagootinta, isagoo ku tilmaamay Blues inay tahay koox qaraami ah.

Ninka Faransiiska ah ayaase soo jeediyey in isaga iyo kooxduba ay dhibbane u noqdeen ‘xan iyo been’ dhowaanahan.

“Waqtiyadii lasoo dhaafay nooma fududayn anaga iyo qoyskeenna, laakiin waxaan awoodney inaan u midowno si aan u wajahno xan iyo been.” ayuu yiri.

Kante penned a farewell letter to Chelsea supporters following his departure from the clubN'Golo Kante has joined Saudi Pro League champions Al-Ittihad after his Chelsea deal expired

Hadalsame Media