Khalad wayn oo la galay markii bilowgii la waayey xiriirka gujiska oo hadda la xaqiijiyey (Maxaa dhacay min 2.45pm – 10.40pm?)

0

(London) 22 Juun 2023 – Qoyska bilyaneerka British-ka ah oo ka mid ahaa 5-tii qofood ee ku dhintay gujiska Titanic 5 ayaa shirkadda OceanGate ku eedeeyey inay sugayeen 8 saacadood kahor inta aysan dirin qayladhaan markii xiriirkooda la waayey.

Gujiska, oo ay maamusho OceanGate Explorations, ayaa quusay Axaddii saacadu markay ahayd 1pm UK (8am EST iyo 10pm aminta Sydney) agagaarka meel 400 mayl koonfur bari ka xigta St John’s, Newfoundland, una dhow burburka markabkii Titanic.

Saacadu markay ahayd 2.45pm waxay lumisay xiriirkii ay la lahayd markabkii meesha ku ridey, Polar Prince. Laakin lama soo qayladhaamin oo in la waayey looma sheegin Ilaalada Xeebaha Maraykanka ee US Coast Guard ilaa 10.40pm

Kathleen Cosnett, oo ay ilmo adeer yihiin ganacsadaha UK ee Hamish Harding, 58-jir, oo ku jirey dadka saarnaa, ayaa sheegtay inaan markiiba lala xiriirin Ilaalada Xeebaha.

Waxay u sheegtay The Telegraph: ‘aad bay u cabsi badan tahay. Waxay ku qaadatay waqti aad u dheer inay samatabbixinta u yeeraan, aad bay u dheer tahay waqtiga ay sugeen. Waxaan u malayn lahaa in saddex saacadood ay noqon lahayd waqtiga ugu yar.”

Hadalsame Media