(Muqdisho) 22 Juun 2023 – Wasiir Fiqi iyo Senatar Samsam ayay ka tafatay kaddib markii uu Fiqi isku dayey inuu wax aan sidaa u ballaarnayn kasoo qaado dhulka ay weli Shabaabku haystaan ee Gobolka Hiiraan.
”Meelo yar yar mooyee ma jirto degmo buuxda oo ay si buuxda u haystaan, dalka oo dhan 13 degmo ayay ka haystaan,” ayuu bilowgii ku dooday Fiqi oo ka hadlay madal looga hadlayey moowduuc lagu sheegay doorasho qof iyo cod ah.
Balse, Senatar Samsam ayaa madasha ku beenisey hadalka Wasiirka oo doonayey inaan lasoo hadal qaadin arrimahaas, balse waxay u sheegtay inay iyadu mas’uul ka tahay oo dhulka la haysto uu dhan yahay ilaa 400km oo jibbaaran sida ay qabto.
Waxay kaloo sheegtay in Galbeedka Hirshabeelle oo dhan uu harsan yahay loona baahan yahay in dhulkaa la xoreeyo iyadoo ka codsatay inuu raalligelin ka bixiyo.
Fiqi oo iska indha tiraya xaqiiqada jirta ayaa ku dooday in dadku ay degmooyinka xorta ah iman karaan oo ay ka codayn karaan waloow uusan sharrixin sida ay hadhoow ugu noqon karaan dhulalka weli la haysto amaba ay uga samri karaan noloshoodii miyiga maadaama aysan degmadu wada qaadin dadka xoola dhaqatada ah iyo hab-nololeedkooda oo dhan.
Hadalsame Media