ADIDAS oo hakisay iibinta funaanadda Arsenal kaddib markii ay taageerayaashu soo saareen ”KHALAD” wayn + Sawirro

0

(London) 22 Juun 2023 – Adidas ayaa u muuqata inay ku khasbanaatay inay joojiso iibinta funaanad-guriga cusub ee Arsenal kaddib markii macaamiisha indhaha gor gor lihi ay arkeen khalad ceeb ah oo ku jira naqshadaynta.

Sida laga soo xigtey dhowr taageere oo niyad jabsan, camaaliqada wayn ee dharka isboortiga ee ADIDAS ayaa la sheegay inay khalad ku samaysay nooca saxda ah ee xariijinta funaanad-guriga xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxda ayaa waxay soo bandhigtay funaanaddan cajiibka ah bishii Maajo waxayna daaha ka qaadday in naqshaddu ay dhiirrigelin ka qaadatay kooxdii koobka qaadday iyadoo aan laga adkaanin ee Invincibles ee ololihii 2003-04.

Ciyaartooyda cuslayd ee Arsene Wenger ayaa ku guulaysatey horyaalka Premier League iyaga oo aan hal kulan laga badin waxayna Arsenal doonaysaa inay guulaysto 20 sano kaddib, kaddib fashilkii fasalkii tegey.

Runtiina, funaanadda cusub ayaa lagu qoray guulihii ay kooxdaasi gaartey kulamadii ay dheeshey oo lagu tafay diilinta ku shaqlan funaanadda kooxda. Yeelkeede, khalad baa jira.

Guulihii rikoorka ahaa ee 26-ka guulood iyo 12 barbarro ayay ahayd in maaliyadda lagu dhejiyo sida ay u kala horreeyaan natiijadu, waana meesha khaladka lagu arkay.

Taageerayaashu waxay aaminsan yihiin in kaliya 32 ka mid ah 38 kulan ee horyaalka la soo bandhigay. Waana tan keentay in ADIDAS falkeedii lagu celiyo.

Adidas have stopped selling Arsenal's home shirt after an embarrassing blunder was spotted

The authentic home strip for next season is not available to purchase on the club's website

A host of players modelled the striking shirt but supporters will have to wait to get hold of one

Hadalsame Media