(Hadalsame) 21 Juun 2023 – Hay’adda NISA ayaa la sheegayaa inay soo qabteen dhowr qofood oo ka tirsan Maamulka Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadka la qabtay ay iskugu jiraan guddoomiye waaxeedyo iyo guddoomiye laameedyo, sida uu sheegay SYL TV.
Dadka la qabtay oo ilaa 5 xubnood gaaraya ayaa lagu tuhmayaa inay si hoose uga tirsanaayeen kooxda Al Shabaab, iyadoo in lasoo qabto ay gacan ka gaysatey in mid ka tirsan guddoomiye waaxeedyadu uu far muuqay qaarka kale ee shabakadda kula jira kaddib markii isaga la qabtay.
Haddii uu howlgalkani dhab u noqdo sida loo sheegayo waxay noqon doontaa markii ugu horreeysey ee tiro intaa la’eg oo Al Shabaab ka tirsan ama gacan saar la leh misna xilal ka haya DF Somalia lasoo qabto, sida uu sheegayo SYL TV.
Dadka ayaa iskugu jira 2 guddoomiye waaxeed iyo 3 guddoomiye laameed waxaana haatan ku soconaya baaritaan kale oo ay waddo Hay’adda Nabad Sugidda NISA.
Hadalsame Media