(Hadalsame) 21 Juun 2023 – Maraykanku ma dagaal sokeeye ayuu u jihaystay?
Waa wayddiin ay dadka xogxogaalka ahi beryahan oo dhan si joogto ah badka soo dhigayeen. Waxaa u gu dambeeyay taariikhyahan Faransiis ah oo magaciisu yahay Ran Halévi kaas oo maanta wargeyska Le Figaro ku daabacay maqaal cabsi leh oo aad u faafay.
La ga soo bilaabo muddo xileeddii Donald Trump bulshada Maraykanku wax ay u ka la jabtay si aad u xun. Awalba wax ay ahayd bulsho siyaalo badan u ka la qaybsan se macangagnimada iyo xilkasnimo darrada ninkaas baa arrinta u ga sii dartay. Hadallo iyo ficillo badan oo xagjirnimo iyo cunsurinnimo ah oo dadkiisa ka la dilaya ayuu la yimid. Waa la wada xusuusan yahay waallidii ay isaga iyo taageerayaashiisu ku kaceen markii doorashada la ga helay.
Donald Trump maanta waxaa ku socota dembibaadhis iyo eedo maxkamadeed oo tiradoodu gaadhayso 37 dacwo. Waxaa ka mid ah xadgudub galmo, cashuur la baxsi, dad ceebayn, dhillo uu laaluushay si aanay u gu marag furin iyo kumannaan xogood oo sir qaran ah oo uu gurigiisa u gurtay taas oo sharciga khilaafsan.
Dembiyadaa haddii la gu helo qaarkood wax uu ku mutaysan doonaa sannado badan oo xabbis ah. Eedahaas oo dhan isaguna wax uu ku wajahay islaweyni, danayn la’aan iyo dareen ah in aan cid wax ka qaadi kartaa jirin.
Isaga iyo taageerayaashiisu dhanka kale wax ay la soo tuban yihiin eedahaas oo dhami in ay yihiin budhcadnimo garsoor oo sida u gu xun loo gu adeegsanayo awoodda dawladda. Wax ay lee yihiin Trump waa la inqilaabay waana in kursigii dib loo gu celiyaa, iyo Joe Biden waa faasid ay ku xeeran tahay qawlaysato ka kooban shuuciyiin iyo dad akhlaaq xun oo dimuqraadiyaddii duminaya, haddii ay Trump ka guulaystaanna wax ay ku xijinayaan dadka diinta Masiixiga sii haysta iyo waddaniyiinta dalkooda jecel. Xildhibaannada Trump raacsan ee Kongeriska ku jiraa wax ay yidhaahdeen “dacwadaha la wadaa waa dagaal”.
Nin caan ah oo taageerayaasha ka mid ahi wax uu yidhi “haddii madaxweyne Trump sidaa loo eryado macnaheedu waa in la eryanayo 75 milyan oo taageersan, waana in aad ogaataan badankaygu in aannu hub haysanno”.
Bal u fiirso oo, sida daran ee dadka Maraykanku u ka la dillaaceen wax aad ku garataa, taageerayaasha labada dhinac mid walba 80% wax ay qabaan in qolada kale dalka halis ku tahay, sida uu sheegayo taariikhyahankan maqaalka qoray.
In dalka Maraykanka dagaal sokeeye ka dhici karo iyo in uu dawlado u qaybsami doono in badan baa la hadalhayay, waxaana xaqiiqo ah umaddaa waxa keliya ee is ku hayaa in uu yahay Dollarka.
2022, in ka badan 40% dadka Maraykanka ah ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in aad looga yaabo in Maraykanku uu dagaal sokeeye galo 10-ka sano ee soo aaddan.
W; Q: Ibraahim Hawd
Hadalsame Media