(Hadalsame) 21 Juun 2023 – Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa beenisey wararkii soo baxayey ee sheegayey in isbedel maamul lagu sameeyey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DF Somalia.
Wararka hore ayaa sheegayey in Agaasimihii Hay’adda Socdaalku uu dalka ka baxsaday kaddib markii lagu helay arrimo musuq ah.
Yeelkeede, Wasaaradda Amniga ayaa haatan war kooban oo ay soo saartay ku beri yeeshay iyadoo sheegaysa in Agaasime C/qaadir Cilmi Cabdul uu ku maqan yahay fasax uu ku wargeliyey Wasaaradda.
Lama oga sida ay wax u socdaan, balse waxaa la dareemayaa woxoogaa xasarad maamul ah oo beryahan ka jira dhanka DF Somalia iyo hay’aadkeeda.
Hadalsame Media