(Hadalsame) 21 Juun 2023 – Waxaa caadiyan la isku raacsan yahay in musuqa Somalia lala dagaallamo kaasoo dalka ka dhigay kan ugu liita dunida.
Waxaa mar qura soo baxaya warar sheegaya in lala dagaallamayo musuqaasi oo la xirxirey ama lagu raad joogo dad madax ah oo lacago lunsaday ama la tuhunsan yahay. Ha yeeshee, waxaa soo baxday xog kale oo sheegaysa in dan kale oo kharriban laga leeyahay musuqa la sheegayo.
MAXAA LA HADAL HAYAA? Warar ku dhow dad ku jira XAYNDAABKA hoose ee DF oo aan doonayn in la magac dhabo, waxay sheegayaan in qaab dafalaqsi ah oo aan xeer iyo xisaab midna marin Bankiga Dhexe looga farataystay lacag kor u dhaafaysa 21 milayn oo Doollar oo uu ka tegey nidaamkii hore.
Lacagtan ayaa la sheegay in inta badan loo adeegsadey waxyaabo ay ka mid yihiin safarrada MW Xasan Sheekh oo badiyaa dibedaha u aada safarro aan sidaa daruuri u ahayn, RW, Guddooonka Baarlamanka iwm, iyadoo aan weliba la xisaab xirine qaab caddaan ah la iskaga qaatay tiiyoo aysan jirin wax qaansheegto ama xisaab celin ah oo la saxiixay.
Deeto waxaa la sheegayaa inay arrintaa ogaadeen IMF iyo Baanka Adduunka oo madaxda DF ku wargeliyey inay iska illoobaan dayn-cafin iyo shilin dambe oo ay hay’adahan oo miisaaniyadda kabi jirey ka helaan, haddii aan meel lagu sheegin malaayiintan laga saaray Bankiga Dhexe.
Sidoo kale, dalalka deeqda bixiya oo ku wareersan sida ay haatan wax u socdaan ayaa la sheegayaa inay madaxda DF u sheegeen inaysan bixin doonin lacago ay ugu tala galeen DF, haddii aan la keenin nidaam hufan oo daah-furan oo lacagtaa la mariyo, iyagoo ka caraysan qaab is barbar yaac ah oo ay wax ku doonayaan wasaarado iyo shakhiyaad madax ka ah DF Somalia.
Waxay xitaa arrintani keentay in haatan la dhimi rabo qaar badan oo ka tirsan mushaaraadkii shaqaalaha DF, maadaama uu hoos u dhacay dakhligii lagu xisaabtamayey, waloow weli ay taallo canshuur badan oo dadka laga qaaday.
Si haddaba, arrimahan meel madaxa loogu geliyo hay’adahana loo qanciyo ayay daarran tahay sheekada beryahan socota ee lagu sheegayo in musuq lala dagaallamayo.
Hadalsame Media