SIR LA DUDIYEY: Shiinaha & Cuba oo ku heshiiyey saldhig ciidan oo ay Beijing halkaa ka furato

0

(Hadalsame) 21 Juun 2023 – Beijing iyo Havana ayaa KU JIRA wada xaajoodyo lagu dhisayo xarun lagu tababaro ciidamada Cuba, sida uu sheegay wargayska Wall Street Journal maanta, isagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo hadda jooga iyo kuwii hore oo codsaday inaan la magacaabin.

Wadahadallada ku saabsan saldhigga oo ku yaal xeebta woqooyi ee Cuba ayaa ah “marxalad gebagebo ah balse weli lama soo afjarin,” WSJ ayaa sheegtay, iyadoo lagu saleeyey waxa ay saraakiishu ku tilmaameen “xog lagu qanci karo balse kala qaybsan” iyo warbixinno sirdoon oo Maraykan ah oo aad loo qarinayo.

Mid ka mid ah saraakiisha hadda shaqaysa iyo mid hore ayaa sheegay in xaruntu ay noqon doonto qayb ka mid ah ‘Mashruuca 141’, hindisaha millateriga Shiinaha ee lagu dhisayo saldhigyo ciidan iyo taageero dhanka saadka ah ee adduunka.

Haddii ay run tahay, tani “waxay siin kartaa Shiinaha madal ay suurtagal tahay inay ciidamo si joogto ah ugasoo dejiyaan jasiiradda” taasoo ay suurtogal tahay inay ballaariso ururinta sirta Maraykanka oo ay dhegeystaan, ayay yiraahdeen.

Warbixinta Joornaalka ayaa timid wax yar kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, uu booqday Shiinaha si “uu u joojiyo hoos u dhaca xiriirka” ka dhexeeya Washington iyo Beijing. Xataa waxaa qaabilay Madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping.

Isla hay’addan warfaafineed ayaa horay u sheegtay jiritaanka “saldhigga basaaska Shiinaha” ee Cuba horraantii bishaan. Tan ugu darani waa inay Cuba aad ugu dhowdahay dalka Maraykanka.

Hadalsame Media