(Hadalsame) 21 Juun 2023 – Waxaa caadiyan la isku raacsan yahay in musuqa Somalia lala dagaallamo kaasoo dalka ka dhigay kan ugu liita dunida. Yeelkeede, dood ayaa ka taagan sida.
Cali Yare Cali oo ka mid ahaa dab-jooggii nidaamkii Farmaajo ayaa dooddan soo socota ka keenay xilliga laga soo bilaabayo musuq la dagaallanka haatan socda isagoo leh:
Horumar wayn ayay ka turjumeeysaa in musuqmaasuqa lala dagaalamo, waxaanse is waydiinayaa;
1. Xiligee ayaa laga soo bilaabayaa baaritaannada?
Ma Xukuumaddii Madaxweyne Shariif ?
Ma middii Madaxweyne Xasan Shiikh?
Ma Xukuumaddii Madaxweyne Farmaajo ?
Ma tan hadda jirta ee Madaxweyne Xasan ?
Mise ilaa tii Madaxweyne Aden Abdulle?
Mise intaba ma ahane waa hadba qofkii la rabo?
Horta ma laga heshiin karaa xilliga laga soo billaabayo baaritaannada?
Hadalsame Media