(Hadalsame) 21 Juun 2023 – Cristiano Ronaldo ayaa had iyo jeer ku raaxaysta dareennada gaarka ah ee munaasabadaha guuleed, iyadoo haatan isla habeenkii lagu sharfay tabeelle muujinaya kulankiisii 200-aad ee caalami ah.
Weeraryahanka Al-Nassr ee Ronaldo waxa uu helay shahaadadda Guinness World Records oo ah shahaado uu ku mutaystay inuu noqday ciyaartooygii ugu badnaa ee safta kulamo heer caalami taariikhda.
Ciyaaryahanka ugu dhow Ronaldo ayaa ah Bader Al-Mutawa, kaasoo u saftay dalkiisa Kuwait 196 jeer.
Si ku habboon, Ronaldo ayaa ku xusay munaasabaddaa isagoo dhaliyey goolka guusha daqiiqadii 89-aad kulankii ay Portugal ay 1-0 kaga badisay Iceland, taasoo lagu soo koobay toban ciyaaryahan kaddib markii laga saaray oo roose loo taagey Willum Thor Willumson.
38-jirkan ayaa gool uu soo dhigay Goncalo Inacio dhaliyey isagoo deeto si qurux badan balse ka yara badbadis ah u dabaaldegey.
Hadalsame Media