Taageerayaasha & Macallinka Ingiriiska oo isku si u amaanay laacibka bandhigga Bukayo (Daawo)

0

(Manchester) 20 Juun 2023 – Ciyaaryahanka garab weerarka ka ciyaara ee Bukayo Saka ayaa si wayn loogu amaanay wacdarihii uu xalay dhigay kaddib markii uu seddaxleey ka dhaliyey kulankii ay 7-0 kaga badiyeen North Macedonia.

Saka ayaa muujiyey kalsooni kalsooni xad dhaaf ah xilli ay wiilasha Gareth Southgate ay guul raaxo leh ku gaareen gegada Old Trafford.

21-sano jirkan ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyay ee ciyaartan dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta isagoo si dardar leh u dhamaystiray kaddib markii uu ku dhufsaday Kyle Walker.

Goolka labaad ee Saka waxa uu ahaa goolkii ciyaarta markii uu baas ka helay Trent Alexander-Arnold kaddibna uu u dhaliyey si qurux badan.

Intaa kaddib Saka waxa uu guda galay inuu seddaxleeydiisa u dhamaystiro si deggan misna qurux badan.

Deeto waxaa amaanay macallinkiisa, halka taageerayaashiisu ay Baraha Bulshada aad ugu falanqeeyeen bandhiggiisa aan biyo dayska lahayn.

Hadalsame Media