Sucuudiga oo hoteel qaali ah oo London ku yaalla lasoo fariistay boorsooyin lacag ah & Suuqii oo qasmay + Sawirro

0

(Hadalsame) 20 Juun 2023 – Hoteelka Hyatt Regency ee ku yaalla fagaaraha Portman ee magaalada London ayaa maalmihii u danbeeyey ahaa mid aad looga dareemayey dhaqdhaqaaqa ay wadaan howlwadeennada kooxaha Sucuudiga.

Hoteelkan oo sidoo kale loo yaqaan The Churchill, waa huteel shan xiddigood ah, halkaasoo qolkii habeenkii lagu dego in ka badan £770 oo gini isagoo martigeliyey dad caan ah sida Barack Obama oo kale ah, haatanse madaxda kubbadda cagta Sucuudi Carabiya ayaa boorso lacag ah lasoo fariistay si u xodxotaan ciyaartooyda Premier League.

Wasaaradda Ciyaaraha ee Sucuudi Carabiya ayaa horraantii bishan ku dhawaaqday in Sanduuqa Maalgashiga Dadwaynuhu (PIF) uu la wareegi doono afar kooxood oo ka tirsan Horyaalka Sacuudiga ee Saudi Pro League, kuwaasoo kala ah Al Ahli, Al-Ittihad, Al-Hilal iyo Al-Nassr.

Kooxda dambe ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto laacibka Chelsea ee Hakim Ziyech, Al-Hilal ayaa riixayaa inay Kalidou Koulibaly kula soo wareegto £20 milyan ginni, kaddib markii ay£47 milyan ginni kula heshiiyeen Wolves Ruben Neves Axaddii, halka Al-Ittihad ay la wareegtay 32-jirka N’Golo Kante oo saxiixay qandaraas afar sano ah oo ku kacaya £86 milyan ginni.

Koulibaly ayaa amaah uu ugu ugu biiri lahaa Inter Milan waxaa miinka ka cuskatay Chelsea usbuucii hore, iyagoo ay lacagta Sucuudiga ee lama filaanka mar qura usoo dhacday ay aad u qasayso suuqa.

Daafacan reer Senegal ayaa 32 kulan u saftay Chelsea tan iyo markii uu kusoo biiray sanadkii hore.

The Hyatt Regency Hotel in London has been a hive of football activity in recent days

Hadalsame Media