(Hadalsame) 20 Juun 2023 – In badan oo naga mid ah waxaa ku dhacay cudurka loo yaqaan Stockholm Syndrome “Buufiskii Stockholm” oo ah in aad jeclaato oo aad difaacdo qof kugu gaboodfalay oo aad dhibanahiisa tahay, ciddi isku dayda in ay kaa badbaadisana aad la dirirto.
Qisadan waxay sanadkii 1973-dii ka dhacday magaalada Stockholm ee dadka Swedan. Nin danbiile ah oo la oran jiray Jan-Erik Olsson ayaa Bank weeraray, ka dibna afar ruux ayuu gudaha Baanka ku dhex afduubtay.
Si uu dadka u sii daayo wuxuu dalbaday 3 milyan oo Karoon oo lacagta Swedish-ka ah, 2 bistoolad, in la sii daayoo saaxibkiis oo danbiile kale ah, gaari uu ku baxsadana ilinka gadaale loo keeno.
Dood culus ayaa ka dhalatay in dalabkiisa loo yeelo iyo in kale, dalkuna xilli doorasho oo xasaasi ah ayuu ku jiray. Lix maalmood ayaa la is hor taagnaa. Dambiiluhu wuxuu la haystayaasha kula hadlaa erayo naxariis leh, wuxuu la hadashiiyaa ehelladooda, wuxuu u ogolaaday in ay suuliga aadi karaan, oo ay kor iyo hoosba ku soc socan karaan, wuxuu ku guulaystay in dadkii u afduubnaa uu ka raarido in uu ka naxayo, uuna doonayo in uu naftooda badbaadiyo.
Haweenay ka mid ah ah dadkii uu afduubnaa ayuu Raysalwasaaraha la hadashiiyey, waxay tiri “Halkaa baad is ka ciyaaraysaa, dan nagama lihid, Booliska waxaa nooga naxariis badan ninka na haysta, sababtoo ah isagu in uu na badbaadiyo ayuu doonayaa, laakiin Boolisku nafteenna dan kama laha.
Ugu danbayn gaaska dadka suuxiya ayaa loo adeegsaday, dadkii waa laga soo badbaadiyey, isagiina waa la qabtay.
Waxaase la yaab noqotay in dadkii 6 maalin u afduubnaa ay ninkii qareen u noqdeen oo ay la soo istaageen nin wanaagsan buu ahaa, si fiican oo naxariis buu noola dhaqmay, wuu na dili karay, wuu na darxumayn karayn, laakiin ma yeelin. Waxaa laga dhaadhicin waayey war ninka isagaa idin afduubtay oo naftiina halista geliyey oo xaaladda aad ka hadlaysaan idin geliyey.
Haddaba, cudurka ku dhaca ruux dhibbane ah, haddana kii dhibka ku hayey caashaqsan oo difaacaya, ayaa loo yaqaan Buufiskii Istookhoom (Stockholm Syndrome).
Maanta waxaad arkaysaa dadkeenna oo caadhifad qabiil ku daafacaya hoggaamiye ku gaboodfala naftooda, canshuurta ay bixiyaan jeebka gashada oo dalal kale guryo kaga dhista, xoogaa yar oo ka mid ah deeqaha dunida ka yimaada dhowr dhisme iyo jidad gaagaaban uga dhisa, ka dibna ka dalbada in ay ku ammaanaan. Dhibka uu ku hayo wuxuu ku ilowsiinayaa in uu ka daafacayo reer hebel, ama uu ka hormariyey gobol hebel.
Wax kale maaha waxa nagu riday Buufiskii
Stockholm oo dayaca iyo darxumida na baday, waa qabyaaladda. Ma jiro cudur nafsadeed ka xun oo na haya:
Rasuulkeenna Suuban waa tii uu nooga digay uuna yiri
“War isaga taga waa qurune”.
W; Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Hadalsame Media