”Reer Galbeedku ”hub cilladaysan” ayay nagu khaarajiyaan” – Saraakiisha Ukraine oo dusiyey dokumentiyo qarsoodi ah

0

(Hadalsame) 20 Juun 2023 – Qaar badan oo ka mid ah hubka ay bixiyeen Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa u baahday in dib loo hagaajiyo ama gebi ahaanba la furfuro oo kab ahaan loo adeegsadi, sida uu qoray New York Times.

Kiev ayaa sidoo kale ka cabatay in qalab qiimihiisu yahay boqolaal milyan oo doollar oo qandaraas lagu soo iibsaday aan weli gebi ahaanba loo keenin.

Caddayn ahaan, Times ayaa soo xigtey dokumentiyo ay bixiyeen saraakiil Ukraine ah oo codsaday inaan magacooda la sheegin, iyagoo ka caraysan reer Galbeedka oo sheegay inay siiyaan hub ku filan duullaanka rogaal-celiska ah ee ka dhanka ah Ruushka.

Weerarkii Ukraine ee bilowday horraantii bishan Juun, ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan oo naf iyo qalabba ah iyadoo aan wax badan oo la taaban karo laga samaynin furunta dagaalka.

Ilaa 30% hubka Ukraine ayaa dib u dayactir lagu samaynayaa waqti kasta, sida laga soo xigtey wargayska, halka in badan oo ka mid ah qalabka reer GalbeedkU ay ku yimaadaan “xaalad liidata ama aan laba isticmaali karin.”

Hal kiis ayaa ku lug lahaa 33 howsar oo Maraykan samee ah nooca M109 oo ay ku deeqeen Talyaanigu. Sida laga soo xigtey Roma, sannado ka hor ayaa hubkan meel la iska dhigay, laakiin Ukraine ayaa codsatay in dib loogu dayactiro si loo isticmaalo. Qandaraasle Maraykan ah ayaana lagu siiyey $19.8 milyan si uu u dayactiro.

Bishii Jannaayo, waxay keeneen 13 ka mid ah qoryahan, kuwaas oo yimid “xaalad aan ku habboonayn hawlgallada dagaalka,” sida ku cad dokumentiga ay dusiyeen saraakiisha Ukraine.

US and NATO allies pledge more arms to Ukraine | Russia-Ukraine war News | Al Jazeera

Hadalsame Media