Laacibka Bukayo Saka oo gargaar u diray dalkii 2-aad ee Muslim ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 20 Juun 2023 – Halyeeygii Seddaxleeyda u dhaliyey England ee Bukayo Saka ayaa sidoo kale muujiyey naxariistiisa iyo daryeelkiisa isagoo hoy muhiim u maalgeliyey 26 qoys oo uu ku dhuftay dhulgariirkii Turkigu.

Waxaa jirtey in ka badan 50,000 oo qofi ay ku dhinteen in ka badan laba milyanna ay guri la’aan ku noqdeen dhulgariirradii ba’naa ee ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya bishii Febraayo.

Saka, oo la socdey warark gobolka, ayaa la xiriirye hay’adda samafalka ee BigShoe si ay u maalgeliso degaan cusub oo ku yaal gobollada Hatay, Adiyaman, Kahramanmaras iyo Malatya, ee bariga Turkiga.

Ujeedada BigShoe waa in la caawiyo carruurta adduunka oo dhan si ay uga gudbaan dhibaatooyinka qotada dheer ee soo mara waxayna haystaan taageerada qaar ka mid ah xiddigaha kubbadda cagta dunida, kuwaasoo ay ku jiraan Antonio Rudiger, Paul Pogba iyo Mesut Ozil.

Saka, oo saxiixay qandaraas cusub oo afar sano ah bishii Maajo isaga oo Arsenal kusii hayn doona ilaa 2027-ka, waxa kale oo uu sanadkii hore la shaqeeyey isla hay’addan samafal oo kale si uu u maalgeliyo 120 qallliin oo muhim iyo daruuri ahaa oo loogu talagalay carruurta dalka uu kasoo jeedo ee Nigeria.

The Arsenal winger teamed up with the BigShoe charity to provide the crucial accommodationSaka has directly funded shelters for 26 families impacted by the earthquake earlier this yearSaka previously worked with the charity to provide life-saving surgeries for children in Nigeria

Arsenal star Bukayo Saka helps fund life-changing surgery for 120 children  in Nigeria | Daily Mail Online

Hadalsame Media