(Hadalsame) 20 Juun 2023 – UK ayaa soo saartay sharci ogolaanaya in lasii iibiyo hantida la xayiray ee Ruushka, taas oo horudhac u ah dalalka reer Galbeedka oo aanu jirin dal kale oo weli tillaabadaa qaaday, sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay iyadoo uu soo xiganayo RT.
Sharcigan cusub ayaa Dowladda Britain u ogolaanaya inay sii waddo cunaqabataynta saaran Ruushka iyo hantida dadka gaarka ah ilaa laga bixiyo magdhowga Ukraine, taasoo ah xeelad am qaabi lacagta Ruushka ee la fariisiyey loogu wareejin karo Kiev.
Sida laga soo xigtey warbaahinta, sharcigan ayaa hubaal ka dhigi doona in hantida la xayiray ee ay leedahay Dowladda Ruushka iyo shakhsiyaadka la qabsan karo, taasoo ka dhigaysa UK Dowladdii ugu horreeysey ee Yurub ah oo tillaabo noocan oo kale ah qaada.
“Tiallaabooyinkan cusub ee maanta, waxaan xoojinaynaa habka cunaqabataynta UK, anagoo xaqiijinayna in UK ay diyaar u tahay inay isticmaasho cunaqabatayn si loo hubiyo in Ruushku uu bixiyo kharashka dib u dhiska dalkaasi,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska James Cleverly.
Dawlado badan oo reer Galbeed ah, oo ay ku jirto Switzerland ayaa ilaa hadda ka gaabsaday inay la wareegaan lacagaha Ruushka inkasta oo ay sii kordhayaan cadaadiska uga imanaya Maraykanka iyo Midowga Yurub.
Hadalsame Media