(Halifax) 20 Juun 2023 – Gujis yar oo ah noocyada cilmi baraista ayaa lagu waayey meel u dhow burburka markabkii RMS Titanic, waxaana socda hawlgallo lagu samata bixinayo shaqaalaha markabka, sida ay sheegtay shirkadda OceanGate Expeditions Isniintii.
Ilaalada xeebaha Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay subaxnimadii Isniintii in howlgallo baadi goob iyo samatabbixin ah ay ka wadaan Woqooyiga Badwaynta Atlantic. OceanGate ayaa markii dambe xaqiijisay in la waayey mid ka mid ah maraakiibteeda.
Xarunta laga agaasimayo Samatabixinta oo ah Halifax, Nova Scotia, ayaa laga sheegay in OceanGate Expeditions uu sidey 5 qofood, kuwaasoo uu ku jirey bilyanneer British ah oo la yiraahdo Hamish Harding, la waayey 9.13pm Axaddii, iyagoo ku sugan meel 435 mayl (700 km) u jirta koonfurta St. John, jasiiradda Newfoundland, Canada.
Dadka markabka yar oo ah nooca la quusin karo saaran ayaa midkiiba laga qaaday rubuc milyan khidmad ah ama $250,000 qofkiiba si ay u galaan safarkan, iyadoo loo tababari lahaa cilmi baaris ay ku qaadan lahaayeen 8 maalmood badda gudeheeda.
Waayo-aragnimadaasi waxaa ay siin lahayd “fursad aad uga baxsan nolol maalmeedka caadiga ah oo ay ku ogaan karaan wax dhab ahaantii aan caadi ahayn”, sida lagu sheegay qoraalka.
Safar badeedka xagaagan 2023 ee iminka la la’yahay ayaa la rabey inuu noqdo kii ugu horreeyey ilaa seddex safar, iyadoo laba kale la qorsheeyey Juun 2024-ka, iyagoo haatan doonayey inay arkaan burburkii markabkii Titanic.
Markabkii Titanic ayaa quusay kaddib markii uu ku dhacay buur-baraf ah intii lagu guda jirey safarkiisii ugu horreeyey ee ka yimid UK kuna socdey Maraykanka bishii Abriil 1912-kii.
In ka badan 1,500 oo ka mid ah 2,200 oo rakaab ah iyo shaqaalihii la socday ayaa ku dhintay masiibadaasi. Burburka markabkan ayaa la helay sannadkii 1985-kii, isagoo qiyaastii 600km u jira xeebta Newfoundland ee dalka Canada, wuxuuna badda hoosteeda ku jirey 3,800 mitir.
Hadalsame Media