(London) 19 Juun 2023 – Taageerayaasha ayaa aad uga caroodey rajada ah in kooxaha Sucuudi Carabiya ay Chelsea siiyaan fursad ka caawinaysa inay ka baxsadaan ciqaabaha hannaanka dhaqaale wanaagga Financial Fair Play, iyagoo soo iibsanaya ciyaartoydooda geeska ah xagaagan.
Chelsea ayaa qarash gareeysay £600 milyan ginni labadii daaqadood ee suuqa kala iibsiga xagaaga iyo Jannaayo ee lasoo dhaafay, Chelsea ayaana sidaa darteed waxay u baahan tahay inay iska iibiso qaar ka mid ah ciyaartooydeeda usbuucyada soo socda si ay isugu dheelitiraan buugaagta xisaabta dakhliga iyo kharashka.
Waxa ayna u muuqdaan inay gacan ka heli doonaan kooxaha horyaalka Saudi Pro League ee Sucuudiga, iyadoo N’Golo Kante uu ku sii dhowaanayo u dhaqaaqista Al-Itixaad, halka Al-Hilal ay xiisaynayso Kalidou Koulibaly sidoo kale Al-Nassr ayaa Hakim Ziyech usoo bandhigtay labanlaab mushaharkiisa.
Dhanka kale, waxaa jira xiiso xooggan oo loo qabo weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang kaddib xilli ciyaareedkiisii uu xumaa ee uu 2022-23 ku qaatay gegada Stamford Bridge.
Sanduuqa Maalgelinta Dadwaynaha ee Sacuudi Carabiya ee PIF ayaa gacanta ku haya afarta kooxood ee hormuud ka ah heerka koowaad ee dalkaasi, waxayna u muuqdaan inay qaadanayaan ciyaartooyda ay Chelsea iska tuurayso si ay ugu kala qaybiyaan kooxahooda.
Sidaa darteed, taageerayaasha kooxaha EPL ayaa durba bilaabay inay arrintani keeni karto inay Chelsea hesho lacag ay suuqa la gasho maadaama ay xaaladdu ku adkayd lacagaha badna ee ay farraqday iyo CL oo ay ka maqan tahay.
Waxaa xitaa arrintan wax laga waydiiyey Guddoonka UEFA oo sheegay inaysan sax ahayn qaabka ay haatan wax u wadaan Sucuudigu, iyadoo soo jeedisey inay u baahan yihiin mashruuc ka ballaaran inay gataan ciyaartooyda qawaarka ah ee ay Yurub iska rajiiminayso.
“Nidaamka iibsiga ciyaartooyda ee ku dhawaaday inay soo afjaraan xirfadahoodu ma ahan nidaam loo maro horumarinta kubada cagta.” ayuu ku dooday Madaxwaynaha UEFA Aleksander Ceferin.
Hadalsame Media