(Hadalsame) 19 Juun 2023 – Weerar uu Ruushku kusoo qaado dalka Sweden gebi ahaanba meesha lagama saari karo, sida ay qabto Warbaahinta Dadwaynaha Sweden ee SVT oo sidaa Axaddii sheegtay, iyadoo soo xiganaysa warbixin uu diyaariyey Guddiga Difaaca Baarlamanka dalkaas.
“Weerar hubaysan oo ka dhan ah Sweden meesha lagama saari karo,” ayuu yiri Hilinka SVT oo soo xiganaya dokumentiyo uu helay.
“Ruushka ayaa sidoo kale sare u dhigay isticmaalka xoog millateri wuxuuna muujinayaa hammi sare oo siyaasadeed iyo mid millateri,” ayuu dokumentigu sheegay, sida uu baahiyey SVT.
“Awoodda Ruushku u leeyahay inay fuliyaan howlgallo ay galaan ciidamada cirka, ciidamada badda, hubka riddada dheer ama hubka nukliyeerka ee ka dhanka ah Sweden ayaa weli ah mid taagan.” ayaa lagu qoray.
Warbixinta ayaa lagu wadaa in shacabka loosoo bandhigo maalinta maanta ah ee Isniinta ah. SVT ayaa soo xigatey qof aan la magacaabin oo ka shaqeeyey dokumentigan isagoo leh mas’uuliyiintu waxay doonayaan inay ”farriin cad” u diraan Ruushka.
Sanadkii la soo dhaafay, Sweden ayaa ka baxday siyaasadii ay mudada dheer ku jirtey ee ahau inaanay dhinacna la safan karin, waxaana ay codsatay inay ku biirto NATO, iyadoo sabab uga dhigtay weerarkii Ruushka ee Ukraine.
Hadalsame Media