Premier League oo diidmo yaab leh kala hortagtay IIDHEH qaali ah oo ay funaanadeeda ku samayn lahayd Chelsea + Sababta

0

(London) 19 Juun 2023 – Maamulka Horyaalka Premier League  ayaa diidey Chelsea inay bixiyaan ogolaansho ku saabsan inay heshiis iidheh ah kula saxiixato Paramount Plus, iyada oo laga walaacsan yahay inay ka caraysiiso TV-yada kale ee baahinta kula tartama.

Tillaabo la fahamsan yahay inay ka yaabisay kooxda garoonka Stamford Bridge, mas’uuliyiintu waxay rajaynayeen inay dhammaystiraan heshiis qiimihiisu badan yahay oo ay la gali lahaayeen TV-gan Maraykanka ah – oo sameeya adeegyo madadaalo balse aan gudaha UK ka baahin wax ciyaaro ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa madaxda horyaalku u sheegeen inaysan rukhsaddaa bixin doonin maadaama ay u arkeen inay jebinayso shuruucda tartanka, taasoo ka dhigtay heshiiska inuu dhaqaaqi waayo.

Taa beddelkeeda, wadahadallo ayaa hadda waxay u socdaan Chelsea iyo shirkadda khamaarka ee Stake.com, in kasta oo ay soo dhowaatey mamnuucidda iidhehyada loo sameeyo sharadka.

Chelsea ayaa raadinaysey bedelka shabakadda mobile-da ee Three, kaasoo heshiiskiisii seddexda sano ahaa uu xilli ciyaareedkii tegey dhamaaaday. Waxa ayna rabeen inay xiriirka u jaraan kooxda ka dhisan galbeedka London kaddib markii milkiilihii hore Roman Abramovich la ganaaxay kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine.

Hadalsame Media