(Hadalsame) 19 Juun 2023 – Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray in Manchester City ay lasoo saxiixanayso weeraryahanka PSG ee Kylian Mbappe, isagoo u sheegay suxufiyiinta ‘waad garanaysaan halka uu doonayo’.
Laacibka reer France ayaa heegan sare galiyey kooxaha caanka ah ee caalamka markii la xaqiijiyey todobaadkii hore inuusan kordhin doonin qandaraaskiisa Paris, taasoo ka dhigaysa nin xor ah xagaaga soo aaddan.
Tilalaabadaas aragti ahaan waxay albaabada u furaysaa kooxo badan si ay u soo iibsadaan mid ka mid ah ciyaartooyda ugu fiican adduunka, inkastoo Manchester City aysan weli tilaabo qaadin, misna Guardiola ayaa weli aaminsan in tartanka loogu jiro saxiixa xiddigga reer France uu horraanba yahay mid lagu kala baxay oo uu laacibku doortay kooxda uu aadayo.
“Mala soo saxiixan doono Kylian Mbappe,” ayuu u sheegay suxufiyiinta isagoo ka hadlayey tartan dhowaan loo qabtay oo la yiraahdo Puma Legends Trophy. ‘kuma biirayo Man City – waayo dhamaantiin waad garanaysaan halka uu doonayo inuu aado,’ ayuu raaciyey.
24-sano jirkan ayaa saacaan uba ciyaari lahaa Real Madrid xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay haddii uusan is rogi lahayn saacada 11-aad si uu ula sii joogo kooxda Parisians.
Si kastaba ha noqotee, kadib dhowr sano oo ay kooxdiisu ku guuldarraysatay Champions League, xiddigga ayaa u muuqda inuu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo meel kale.
Mbappe ayaa maadaama uu ninka ay isku dalka yihiin ee Karim Benzema uu ka tegey Bernabeu, doonaya inuu hoggaamiyo weerarka kooxda ka dhisan caasimadda Spanish-ka.
Hadalsame Media