”Somalia ayaan aadi lahaa” – Boqorkii Carbeed ee dunida ka doorbidi jirey dalka Somalia & Sababtii uu u jeclaa

0

(Hadalsame) 19 Juun 2023 – Amiirkii hore ee kuweyt sheikh Sabah Al-Ahmed, oo mar wareysi laga qaadayey ayaa la weydiiyey dunida meelaha uu ugu jecelyahay inuu u dalxiis tago.

Wuxuu yiri: waxaan aad u jeclaa oo aan dalxiis u tegi jiray dalka, soomaaliya. Haddana waxaa la weydiiyey sababta uu soomaaliya u doortay?

Wuxuu yiri: Soomaaliya waxay aheyd waddan ammaan ah oo culeysyo badan aysan ka jirin, dharkaa doonto ayaad iska xiran kartay, meeshaad doonto ayaad mari kartay, cid kugu mashquuleysaana majirin, beero waaweyn ayaan ku lahaa oo halkaas ayaan waqtiyada fasaxa ku qaadan jiray.

Balse markii ay dagaaladu ka dhaceen oo beerahaygiina la dhacay qaarna la gubay, waxaan u wareegay dalka cummaan oo aan hadda xilliyada fasaxa ku qaato.

Wuxuu beero waaweyn ku lahaa gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan magaalada afgooye.

Amiir Sabbaax wuxuu boqor ka ahaa dalka kuweyt intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2020.

Wuxuu geeriyoodey 29-kii Sebtembar 2020, isagoo ku jirey Mayo Clinic, Rochester, Minnesota, Maraykanka.

W; D: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media