ATMIS oo guryo shacabku deggan yihiin duqaymo u gaysatey + Sawirro

0

(Hadalsame) 19 Juun 2023 – DUQAYMAHA ATMIS EE SHACABKA OO MAR KALE SOO NOQDAY

Ciidamada ATMIS ayaa madaafiic ku duqeeyay Shacabka Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabellada Hoose, halkaas oo uu ka dhashay Qasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Madaafiicda ayaa gaarayay ilaa 4 Madfac oo oo Seddex kamid ah ay ku dhaceen Deegaanka aan sidaasi uga Fogeyn deegaanka halka midka kalana uu ku dhacay mid kamid ah guryaha shacabka ee ku yaalla deegaanka, waxaa ku geeryooday qof shacab ah, sidoo kale dhaawaca Afar kale ayaa la sheegey.

Deegaankan duqeynta ay ka dhacdey waxaa ka dhacay banaanbax ay shacabka kaga soo horjeedaan Xasuuqa aan loo meel dayin ee Ciidamada ATMIS ka geysato Deegaankaasi iyo Tuulooyinka ku xeeran, waxaana risaas ku kala eryay Ciidamada dowlada Soomaaliya ee halkaasi kusugan.

Waa markii labaad todobaadkan gudihiisa oo madaafiic ay rideen ciidamada ATMIS ay ku dhacaan meelo dad shacab ah ay deggan yihiin.

W; D: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media