(Hadalsame) 19 Juun 2023 – Moscow iyo Kiev ayaa waxay ku heshiiyeen shuruudaha guud ee sidii ay Ukraine ku noqon lahayd dal dhexdhexaad ah iyo dammaanad qaad amni inii lagu guda jirey wada xaajoodyadii nabadeed ee Maarso 2022, laakiin Kiev ayaa markaa kaddib si lama filaan ah u tuurtay dokumentiyadii ay wafdigeedu horay u saxiixeen, sida uu sheegay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin oo shalay la shiray madaxda Afrika.
Intii lagu guda jirey kulan uu magaalada St. Petersburg kula qaatay koox ka mid ah madaxda Afrika, Putin ayaa markii ugu horreeysey soo bandhigay qoraallo qabyo ah oo ay ku wadahadleen ergadii Ruushka iyo Ukraine ee Turkiga ku shirtay in ka badan sannad kahor.
Sida uu sheegay Putin, dokumenti cinwaan looga dhigay Heshiiska Dhexdhexaadnimada Joogtada ah iyo Dammaanad Qaadka Amniga Ukraine ayaa waxaa saxiixay wefdiga Ukraine.
Qabyo-qoraalka ayaa qeexaya in Ukraine ay tahay inay ku ilaaliso oo ku qorto “dhexdhexaadnimadan joogtada ah” dastuurkeeda. Ruushka, Maraykanka, Ingiriiska, Shiinaha, iyo Faransiiska ayaa ku jira liiska dammaanad qaadayaasha.
Moscow waxay soo jeedisey in tirada ciidamada millateriga Ukraine ay ahaadaan 85,000 iyo in tirada xubnaha Ilaalada Qaranka lagu koobo 15,000. Kiev, ayaa dhanka kale soo jeedisey in ciidamadeeda qalabka sida ay gaaraan ilaa 250,000 oo askari.
Moscow waxay sidoo kale soo jeedisey in Ukraine loo ogolaado inay haysato 342 taangi, 1,029 baabuurta gaashaaman, 96 oo tuura gantaalaha, 50 diyaaradood oo dagaal, iyo 52 diyaarad “oo caawiyeyaal” ah.
Kiev, dhanka kale, waxa ay door bidday inay lahaato 800 oo taangi, 2,400 oo baabuurta gaashaaman ah, 600 oo tuura gantaalaha badan, 74 diyaaradaha dagaalka ah, iyo 86 diyaaradood oo “caawiyeyaal” ah.
FG: Meelo badan lagama soo geli karo webka RT adigoo adeegsanaya browsers-ka caadiga ah.
Hadalsame Media