(Hargaysa) 19 Juun 2023 – Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayey munaasabad qalin-jebin ah oo ciidamo tababar carbis ah dhamaystay ayaa micneeyey sababta ay ”koonfurtu u degi la’dahay”, sida uu yiri.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa daganaansho la’aanta xagga amniga ah ee ka jirta koonfurta Soomaaliya, oo ay gaysanayaan dhinacyo ay ku jiraan kooxo agagixiso ah, la xariiriyey qadiyadda ku saabsan Somaliland in la aqoonsado, wuxuuna sheegay in nabaddu imaanayso iyadoo la aqbalo qaddiyaddiisa.
“Soomaaliya saldhiga mayso, ilaa Somaliland ay kala baxaan, Xamar saldhigi mayso, Kismaayo saldhigi mayso, waayo waa geedi gurac loo raray, ilaa la kala baxo, taasna qolada Koonfurtu waa ka war-wareegayaan” Madaxweynaha Somaliland ayaa sidaas sheegay maanta.
Wuxuu sidoo kale weeraray Maamulka Puntland oo uu ku eedeeyey inay wax ku raadinayso qaab qabyaaladaysan, waloow uusan xusin in laftiisu uu qayb ka ahaa jabhadihii qaabka reereed loo dhisay ee lagu dumiyey dowladdii dhexe ee dalka.
Waa markii ugu horreeysey ee uu Madaxwayne Somaliland ku dhiirrado inuu sheego warkan culus ee ammaanka koonfurta ku shuruudaynaya aqoonsiga Somaliland.
Yeelkeede, Muuse ma sharrixin sida iyo qaabka uu uga shaqeeyo inaysan degin koonfurta Soomaaliya.
Hadalsame Media