(Hadalsame) 19 Juun 2023 – Waxaa la sheegayaa in la kordhiyey kirada guryaha si weliba aysan ku faraxsanayn dadwaynuhu, waxaana arrintaa ka digaysa Iskaashatada Kiraystayaasha.
Haddaba, haddii aad degan tahay magaalada Malmö, gaar ahaan xaafadda Rosengård waxaa lagu farayaa inaadan gacantaada isku xirin oo aadan bixinin kirada guriga haddii lagusoo diro qaansheegto muujinaysa in lacagtii lagu daray.
Waxaad bixisaa oo keliya intii aad markii hore bixin jirtey. Waayo, haddii aad bixisid kirada cusub ee la kordhiyey ee laguusoo diray, waxaad si buuxda u ogolaatay kiradaas la kordhiyey dibna ugama dacwoon kartid go’aanka.
”Haddii aad bixiso lacagta kirada ah ee la kordhiyey ee aan lagala xaajoon Iskaashatada Kiraystayaasha, waxay ka dhigan tahay inaad ogolaatay.” ayay tiri Xaliimo Nuur oo Guddoomiye ka ah Iskaashatada xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ee Rosengård.
Hadalsame Media