(Oslo) 19 Juun 2023 – Erling Haaland waxaa ku orriyey taageerayaashiisa kaddib guuldarradii cajiibka ahayd ee Norway kasoo gaartey Scotland oo 2-1 dirtay, taasoo keentay in kooxdiisu ay laba gool oo deg deg ah laqdo daqiiqadihii 87-aad iyo 89-aad ee ciyaarta.
Waxay la micne tahay in halka Yurub inteeda kale ay ku tartami doonaan Euro 2024 xagaaga soo socda oo lagu ballansan yahay Jarmanka, xiddiga Manchester City laga yaabo inuu fasax iska galo, kaddib markii rajo xumadooda u soo bixitaanka Horyaalkii Yurub ee ugu horreeysey muddo 24 sano ah ay sii korodhay.
Kaddib guushii Manchester City ee Champions League iyo dabaaldegga ku guulaysiga Seddaxleeydii taariikhiga ahyd, Haaland ayaa xalay ciyaaraha kusoo laabtay, waxaana uu soo afjaray shan kulan oo ay gool dhalinta abaari ka haysey, isagoo dhaliyey rigoore, si uu hoggaanka ugu dhiibo kooxdiisa martida loo ahaa ee Oslo ku ciyaaraysey.
Yeelkeede, waxaa la gaarsiiyey niyad jab soo daahay oo qalbi jab ku ridey Norway, kaddib barbarrihii Lyndon Dykes iyo K. McClean oo kan kale u raaciyey.
Ha yeeshee, taageerayaashiisa ayay sidoo kale dhibaato ka qabsatay kaddib markii ay ku orriyeen xiddigooda caalamiga ah ee Haaland oo iska waynaysiiyey inuu saxiixyo u sameeyo taageerayaasha xulkiisa Norway.
Wuxuu toos u abbaaray baska isagoo gacan haadin uun ugu ekeeyey taageerayaasha.
Hadalsame Media