(Beledwayne) 19 Juun 2023 – Madaxwaynaha Maamulka HirShabeelle, Cali Guudlaawe, ayaa SIDA aad la socotaan xilka ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, oo tan iyo bilowgii sanadkan 2023 hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka soconayey Gobollada Dhexe.
Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jayte, ayuu sidoo kale Madaxwayne Guudlaawe wuxuu KU XUSAY inuu xilka Guddoomiyaha Gobolka ugu magacaabay, Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow).
Yeelkeede, Cali Jayte Cismaan ayaanba daahin isagoo shaaciyey in maanta kaddib uu Gobolka Hiiraan uu yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan wax uu ku sheegay ”dhamaystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”.
HADDABA MAXAA KHALDAMAY?
Guudlaawe ayaa sheegay inuu tillaabadan qaaday kaddib talo soo-jeedin ka timid Madaxwayne Xigeenka HirShabeelle iyo markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla Maamulka Gobolka Hiiraan iyo weliba wax uu ku sheegay “midaynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” Maamulka HirShabeelle.
Haddaba, waxaa jirta 2 qodob oo ka muuqata go’aanka Guudlaawe ama hallugula taliyo ama isaga hakasoo gulee:
1 – Ma aha go’aan si wanaagsan looga baaraandegey marka la eego culayska uu leeyahay Cali Jayte, gaar ahaan magaalada Beledwayne, iyo waxa ka dhalan kara sida go’aamada iyo wararka durba soo baxay. Taasi waxay muujinaysaa in madaxda sare ee Hirshabeelle aysan ahayn rag si bisil arrintan u gedgediyey ama isu eegay faa’iido iyo khasaare wixii kaga iman kara kahor inta aysan go’aanka shaacin.
2 – Marka la eego doorka uu Cali Jayte ku lahaa la dagaallanka Shabaabka, waxay arrintani madmadow iyo shaki hor leh sii gelinaysaa dagaalkii Shabaabka ee ay hormuudka ka ahayd DF Somalia, balse gacanta wayn looga helayey dadka degaanka taasoo sabab u ahayn guulihii laga gaarey meelo badan oo ka tirsan Gobollada Dhexe, iyadoo muddaba uu gaabis jirey tani waxay noqon kartaa musmaarkii ugu dambeeyey ee lagu dhufto naxashka ololaha Macawisleeyda Gobollada Dhexe.
3 – Haddii go’aanka sidan u culus aan lala wadaagin madaxda sare ee DF Somalia waa arrin halisteeda leh, haddii inta lala socodsiiyey ay aqbashayna waa mid kasii daran oo su’aalo seddaxdan badan gelinaya ujeedka DF.
W; Q: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media