(Hadalsame) 16 Juun 2023 – Sicir barar adeegyada qaar saameeyey ayaa ka dhacay dalka Sweden bishii Maajo ee lasoo dhaafay, kaddib markii ay taageerayaasha Beyonce ay isaga kala yimaadeen dacallada adduunka oo ay kusoo xoomeen bandhiggeeda Stockholm, iyadoo ay suurtogal tahay inay kordhiyeen qiimaha huteellada iyo makhaayadaha, sida ku cad xogta ay hadda daabacday Hay’adda Tirakoobka Sweden ee SSB.
Sicir bararka waxyaabaha aasaasiga ah ayaa sare u kacay 9.7% bishii Maajo ee iminka dhamaatay, waxaana sababaha sicirka dallacay ugu wayn imaanshiyaha Beyonce. Tiiyoo uu ka yimid 10.5% bishii Abriil, markii ay Beyonce tagtayna uu hoos sicirku u dhacay 10%.
Dhanka kale, sicir bararka aanay ku jirin kharashaadka tamarta, cuntada iyo saamaynta isbeddelka heerka dulsaarka oo ah waxyaabaha aalaaba aan isbeddelkooda la xakamayn karin, ayaa SWEDEN kor u kacayey 8.2% si sannadleh ah, taas oo ka sarraysa 8.1% uu filayey Bangiga Dhexe ee Sweden.
Inkastoo hoos u dhaca ku yimid qiimaha qalabka korontada iyo cuntadu ay sabab u tahay hoos u dhaca sicir bararka isla bishii Maajo, haddana qiimaha badeecadaha iyo adeegyada qaarkood ayaa isla bishaa kordhay, sida uu bayaan ku sheegay Mikael Nordin oo ka tirsan Tirakoobka Sweden.
Madaxa dhaqaalaha Bankiga Danske Bank, Michael Grahn, ayaa sicir bararka kulul ee adeegyada qaar ku habsadey bishii Maajo la xiriiriyay socdaalkii xiddigadda R&B ee Maraykanka ay ku tagtay Sweden oo ay bandhig ku qabatay.
“Bilowga bandhigga caalamiga ah ee Beyonce oo safarkeeda adduunka ku bilowday Sweden ayaa waxay u muuqataa mid midabeeyey sicir bararkii Maajo, inta ay sababtay se lama hubo,” ayuu yiri.
Hadalsame Media