(Hadalsame) 16 Juun 2023 – Kaddib kulankii ka madaxwaynayaasha wadamada kuu bohoobay IGAD ay ku yeesheen Djibouti, waxaa Soomaaliya loo ogolaaday in ay noqoto ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.
Sida lagu soo daabacay bogga Villa Somalia, Soomaaliya ayaa xaq u leh in ay magacaabato qofka ku matali doona IGAd. Balse waxaa la is waydiinayaa;
Sidee lagu soo xuli doonaa qofka booska gali doona?
Sida aan ka soo xiganay ilo ku dhaw Villa Somalia, qofka Soomaaliya u xulato in uu ku matalo booskaan ayay dwladdu soo jeedin doontaa gudaha shirka wasiirada arimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD.
Kadib, golaha wasiirada ee wadamada ku bahoobahay ururkaan ayaa ansixin doona. Sidaas ayuuna masuulka la ansixiyay ku noqn doonaa ku xigeeenka xoghayaha.
Muxuu yahay booskan?
IGAD waxay leedahay xoghaye guud iyo kuxigeen, balse dhawaan ayaa lagu daray ku xigeen kale.
Labada ku xigeen ayaa kala ah; ku xigeenka fulinta oo ah kan masuul ka noqon doona fulinta waxyaabaha lagu heshiiyo shirarka ay yeelato IGAD iyo Ku xigeenka kale oo noqon doona kan arimaha siyaasadda u qaabilsanaan doona ururka.
Xeeldheerayaal diblumaasiyadda ka soo shaqeeyay ayaa qaba in labadaan boos uu miisaan culus yahay kan fulinta ee IGAD.

XIGASHADA SAWIRKA,IGAD
Muxuu booskaan u tari doonaa Soomaaliya
Wadamada ku bahoobay IGAd ee ay ku yaalaan xarumaha IGAD, inta badan dadka ka soo jeeda ayaa ka faa’iideysta boosaska shaqaalanimo ee la soo bandhiga, hadaba sida uu qabo wasiirka hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, qofka noqda ku xigeenka IGAD waxaa u suura gali karta inuu shaqaaleysiiyo muwaadiniin Soomaaliyeed.
Dhanka kale waxaa jira mashaariic la xariira calafka xoolaha ah oo ay ka faa’iideystaan wadamadaan kuwaas oo qabashadooda aynan horay uga suura galin Soomaaliya, sida uu qbao xubin hoay uga tirsanaan jiray IGAD waxaa suura gal in looga faa’iideeyo Soomaaliya oo leh xoola dhaqatada ugu bada Afrika.
Cawad ayaa dhanka kale qaba iyo booskaan uu wax kataraya haybadda Soomaaliya ku dhexleedahay ururada ay ku bahaysan yihiin wadamada afrikaan ka ah, maadama ay noqoneyso markii ugu horeysay ee Soomaaliya booskan qabaneyso.
Soomaaliya ayaa ka mid tahay aasaasayaasha urur goboleedka IGAD.
BBC
Hadalsame Media