(Hadalsame) 16 Juun 2023 – Jeer shalay la shaaciyey isku aadka xilli ciyaareedka soo socda ee Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxaa sidoo kale daaha laga qaaday kubaddooda ciyaarta cusub kahor ololaha 2023-24.
Daabacaaddii afraad ee kubbadda Nike Flight ayaa la sii daayey, laakiin waxay si muuqata uga duwan tahay tii fisilkii hadda dhamaaday la isticmaalay. Waxay soo bixi doontaa 15 Luulyo.
Noocii 2022-23 wuxuu ka tarjumayey kubbaddii ay samaysay Miter ee asalka ahayd ee lagu ciyaaray saddexdii sano ee ugu horreeysay Premier League intii u dhaxaysey 1992 iyo 1995 maadaama ay ku jireen fallaaro dahabi ah oo kubbadda ku wareegsanaa.
Yeelkeede, qaabka midabku u nudan yahay aad ayuu u kala duwanaan doonaa xilli ciyaareedka soo socda, maadaama Nike ay dooratay qaab uu midab oronjo ah oo la raaciyey midabbo madow iyo guduud ah si ay isu dhamaystiraan.
Waxaa lagu wadaa inuu noqdo xilli ciyaareedkii 24-aad oo xiriir ah oo Nike ay samayso kubbadda lagu ciyaaro Horyaalka Ingiriiska, iyadoo xilka kala wareegtay SHIRKADDII Miter sannadkii 2000.
Hadalsame Media