”Waxay wadaan daandaansi” – Maraykanka oo diyaarado uu kaligii haysto u diray goob uu sheegay inuu Ruushku ku dhibay

0

(Washington) 15 Juun 2023Millateriga Maraykanka ayaa diyaarado dagaal oo dheeri ah u diray Bariga Dhexe si ay uga jawaabaan wax ay ku sheegeen “dhaqdhaqaaqyada amni darro ee sii kordhaya” ee diyaaradaha Ruushku ay ka wadaan gobolka, kuwaasoo ay ku jiraan dhowr shil oo ka dhacay Suuriya.

Diyaaradaha uusan jirin dal kale oo dunida haysta ee F-22 Raptors ee kooxda 94-aad ee Fighter Squadron ayaa laga soo daad gureeyey Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Gobolka Virginia, sida laga soo xigtey Taliska Dhexe ee (CENTCOM), kaas oo xukuma howlgallada ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe, Bartamaha Aasiya iyo qaybo ka mid ah Afrika.

Go’aankani wuxuu qayb ka ahaa “muujin dhinacyo badan leh oo ku aaddan taageerada Maraykanka iyo kartidooda kaddib markii ay sii kordheen falalka ammaan-darrada iyo dhaqanka aan xirfadda ku dhisnayn ee diyaaradaha Ruushka,” ayuu CENTCOM u sheegay war-saxaafadeed Arbacadii shalay.

Saraakiisha Pentagon-ka ayaa Moscow ku eedeeyey duullimaadyo ”taxaddar la’aan ah oo qar iska tuur ah” oo dul maray saldhigyada Maraykanka ee Suuriya toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo madaxa CENTCOM, Jeneraal Erik Kurilla, uu sheegay inay jireen “kor u kac wayn” oo ah ficilladan “daandaansiga” tan iyo bishii Maarso, sida uu yiri.

Hadalsame Media