(London) 15 Juun 2023 – Xeebta Baltic Sea ee Hel ee gobolka Pomerania ee dalka Poland kama sii shaqayn doono baska 666, sida uu sheegay howlwadeenka gaadiidka maxalliga ah oo sidaa ku dhawaaqay. Shrikadda PKS Gdynia ayaa tillaabadan u cuskatay cabasho ka timid Kaniisadda Katooligga ah.
Khadkan bas ee la joojiyey ayaa dib ayaa loo lambarin doonaa laga bilaabo bishan Juun 24, maamulaha shirkadda gaadiidka ee Marcin Szwaczyk ayaana sidaa u sheegay bogga wararka ee Trojmiasto.
“Waxaan ka bedelnay jidka tirada 666 wuxuuna noqonayaa 669, [si ay u noqoto] arrin muranka yaraysa oo muuqata,” ayuu yiri Szwaczyk. “Annaga ahaan, waxa noogu muhiimsani waa in basasku socdaan iyo in waddooyinka si sax ah loogu adeego. Lambarka khadku muhiimad nooma laha ama waa muhiimad labaad.” ayuu yiri.
Sannadkii 2006-dii, maamulihii ka horreeyey ee shirkadu waxa uu lambarrada 650 ilaa 664 u qoondeeyey khadadka baska ee shaqaynaya sannad dugsiyeedka, halka uu 665 ilaa 669 adeeg xilliyeedka, sida fasaxyada. Halkaa marka ay marayso, waxaa la sameeyey 666 kaasoo soo jiitey booqdayaasha Ingiriisiga ku hadla oo u bixiyey ”666 naarta u socda”.
Waddada muuqaallo laga sameeyey ayaa caan ka noqday meelo ka baxsan magaalada Hel, oo ah tuulo yar oo ay ku nool yihiin 10,000 oo qof, taasoo ay xeebteedu noqotay mid buux dhaaftay mararka qaarkood xilliga xagaaga. Dalxiisayaasha qaar ayaa u safray jasiiradda si ay u raacaan baskan.
Balse dadka muxaafidka ah ee dalkan oo ku socda mad’habta Katooligga ayaa gaarigan ku tilmaamay “baskii Shaydaanku” iyagoo sheegay in lambarka 666 uu u taagan yahay ”Jadaalal Cawar”.
Hadalsame Media