”TV-ga waa iska damiyey” – Rashford oo qiray inuu aad uga qaraarey guusha Man City ee CL (Arrin uu ballanqaaday)

0

(Manchester) 15 Juun 2023Marcus Rashford ayaa inta naf iska baaray wuxuu u hambalyeeyey Guuleystayaasha Manchester City oo qaaday seddaxleey taariikhi ah, laakiin waxa uu sheegay inuu xitaa daawan kari waayey makii ay qaadayeen koobka Champions League.

Weeraryahanka Manchester United ayaa waxa uu moodayey inuu dhib ku filan soo gaarey markii kooxdiisa ay 2-1 ku garaacday deriskooda Man C oo ku tumay final-kii FA Cup-ka kaddibna ku khasbanaaday inuu daawado iyaga oo koobka qaadaya.

Shanta xiddig ee City uga jira xulka England ayaa sidoo kale ku bood boodey fagaaraha St George’s Park Talaadadii, halka Rashford oo si wayn u aqoonsan baaxadda guulahoodu, uu arrintan u isticmaali doono si uu shidaal uga dhigto inuu iyaga kursiga ka tuuro.

‘Waa ay u qalmeen, waxa ay ciyaareen kubada ugu fican sanadkan,’ ayuu yiri Rashford. ‘Hadalka waxaa lagu yiraahdaa gudaha garoonka, runtiina si wanaagsan ayay yeeleen. Waxaan jeclahay daawashada kubbadda cagta, waxaan jeclahay daawashada ciyaaraha fiican waana sida aan sameeyay, laakiin kaddib markii ay guulaysteen uma baahnayn inaan sii daawado iyaga oo dabaaldegaya,” ayuu yiri

“Dhammaantood runtii waa ciyaaryahano wanaagsan. Waxa kaliya ee ku cusub ayaa ah in ay ku guulaysteen inay saddexdaba ku guulaystaan.” ayuu raaciyey.

However, the United forward admitted he couldn't watch them lift the Champions League title

Marcus Rashford has suggested that Man City 'deserved' their Treble success this year

Hadalsame Media