(Hadalsame) 15 Juun 2023 – Hooyo Soomaliyeed oo 69 jir ah ayuu Xafiiska Socdaalka ee dalka Sweden kasoo qaaday xero qaxooti oo ku taal dalka Kenya waxa loo yaqaan Qoondada Qaxootiga ( Kvotflykting ).
Waxa hooyadaas la dejiyey Degmada Sollentuna ee ku taal Stockholm. Waa hooyo aan weligeed dhigan iskool, misna da’ ah oo xanuuno badan qabta.
Wa qof wayeel ah oo ay ku adag tahay inuu fahmo dalkan cusub. Ma taqaanno xitaa si loo bixiyo kirada guriga, mana taqaanno waxa ku qoran waraaqaha ay soo diraan xafiisyada Dowladda, ama shirkada guryaha iska leh.
Shirkad ah kuwa guryaha iska leh ee Degmada (Kommunal ägda bostäder) taasoo magaceeda la yiraahdo Sollentuna Hem ayay haweenaydii qoorta isu galeen.
Hooyadii oo aan fahmayn sida loo bixiyo kirada oo aan aqoon nidaamka ka jira Sweden ayaa waxaa ugu darsantay in nasiib xumo aan loo samayn qof gacan yare u noqda oo ka socda Xafiiska Daryeelka Bulshada si uu u caawiyo ama loogala xiriiro (Godman, Kontakt person ).
Waxa dhacday in Arbacadii saacadda maxalliga ihi markii ay ahayd 9.30, in hooyadii oo huruda ay albaabka usoo garaaceen shaqaale ka socda Hay’adda Dabagalka Qaamaha ( Kronofogden), iyaga oo u sheegay in kiradii ay bixin waydey.
Deeto, hooyadii 69 jirka ahayd oo argagaxsan ayaa banaanka loo tuuray. Xitaa ma fahmaynin waxa loo sheegayey.
Hadalsame Media