(Liverpool) 15 Juun 2023 – Shaqaale dhisme dib u dhis ku sameynayey garoonka Liverpool ee Anfield, ayaa sheegtay in shaqada laga eryay kaddib markii uu muuqaallo online ah soo geliyey oo uu soo bandhigay muuqaal ku saabsan shaqada socota.
Kev Moore waa mid ka mid ah shaqaalaha loo igmaday inay ka shaqeeyaan kordhinta awoodda qaadka garoonkan oo la gaarsiinayo ilaa 61,000, taasoo bilaabatay 2021-kii.
Liverpool ayaa sii daysey 8-dii Juun muuqaalka shaqada oo dib loo bilaabay dhamaadkii xilli ciyaareedka taasoo muujinaysey saqafka qayta tarabuunka oo dhan 282-tan oo ay isla qaadayaan afar wiish oo waawayn.
Shaqadan oo ku kacaysa £80 milyan ginni, ayaa 7,000 oo kuraas cusub lagusoo kordhin doonaa garoonka Liverpool, laakiin kooxda ayaa ku dadaalaysa si loo hubiyo in kooxda Jurgen Klopp ay ku dheeli karto garoonka bilowga xilli ciyaareedka soo socda.
Yeelkeede, kooxdu waxay codsatay in kulankooda furitaanka xilli ciyaareedka lagu ciyaaro meel ka baxsan gurigooda, si loogu ogolaado waqti dheeri ah oo ay ku dhammaystiraan kahor daah-furka tarabuunka cusub isla bilowga xilli ciyaareedka 2023-24.
Sacked by @LFC for a video I didn’t post 🤷♂️ @ZAGKAG1811 @MisterDrone no idea how it got so big so quick 🤣🤣🤣 pic.twitter.com/CgpC8oPuJx
— Kev Moore (@KevMoore2) June 14, 2023
Hadalsame Media