(Ankara) 14 Juun 2023 – Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa albaabada u laabay in Sweden ay ku biirto NATO shirwaynaha bisha soo socota ka dhici doona magaalada Vilnius, isagoo sheegay in Stockholm aysan weli samaynin wax ku filan oo ay ku ilaaliso ballanqaadkeeda maadaama ay dhowaan u ogolaatay taageerayaasha PKK inay mudaaharaadaan.
Erdogan ayaa ugu sheegay saxafiyiinta la socday Azerbaijan horraantii isbuucaan in “argagixisadu” ay banaanbaxyo ka dhigayaan waddooyinka Stockholm halka Xoghayaha Guud ee NATO ee Jens Stoltenberg uu isku dayayo inuu ku qanciyo inuu aqbalo dalabka Sweden ee xubinnimada isbahaysigan millateriga, sida uu yiri.
“Intii Stoltenberg uu ra’yigaan noosoo bandhigayey, nasiib darro, isla waqtigaas, argagixisadu waxay mar kale ku mudaaharaadayeen waddooyinka Iswiidhan,” ayuu yiri. “Hadda, si wanaagsan uguma wajahi karno arrintan miiskan korkiisa.” ayuu raaciyey.
Taageerayaasha Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ee PKK ayaa iyaga oo lulaya calankooda, waxayna horraantii bishan isugu soo baxeen bannaanbaxyo ka dhan ah Turkiga, taasoo kasii caraysiisay Ankara.
Joogitaanka dadka lala xiriirinayo PKK ee Sweden ayaa caqabad wayn ku noqotay isku daygii uu dalkaasi ku doonayey inuu ku biiro NATO kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine.
BREAKING — Turkey’s Erdogan says no Nato membership for Sweden at Vilnius summithttps://t.co/Kz7y8yzwrz
— Ragıp Soylu (@ragipsoylu) June 14, 2023
Hadalsame Media