(Washington) 14 Juun 2023 – Xilli ay sii kordhayso xiisadda kala dhexeysa Shiinaha, Maraykanka ayaa wuxuu diyaarinayaa qorshooyin uu ku daadgureynayo muwaadiniintiisa ku sugan Taiwan, sida uu qoray Messenger. Haddii uu dagaal ka qarxo jasiiradda, tobanaan kun oo Maraykan ah ayaa ku xannibmi kara.
Hannaanka qorshayntu waxa uu soo socday ugu yaraan lix bilood, laakiin waxa uu “sii kululaaday labadii bilood ee lasoo dhaafey ama wixii la mid ah”, “Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka” ayaa sidaa u sheegay mareegtan wareed. Sarkaalka ayaa intaa ku daray in “heerka ay joogto xiisadda kacsan” ay keentay diyaargarowga.
Ilo kale ayaa sheegay in howlgalka millateri ee Ruushka ee Ukraine uu ku khasbay Maraykanka inuu tixgeliyo qabanqaabada uu ka wado Taiwan, taasoo ay u badan tahay inay noqon doonto bar bilowga iska hor imaad kasta oo dhexmari kara Maraykanka iyo Shiinaha.
Maraykanka ayaa inta badan shaqaalahiisa Safaaradda ka daadgureeyey Kiev labo todobaad kahor inta aysan ciidamada Ruushka soo galin Ukraine, kaddib markii ay dhowr bilood uga digayeen muwaadiniinta Maraykanka inay ka baxaan dalkaasi.
Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka weli dadka Maraykanka ah ugama digin inay u safraan Taiwan, waxayna hadda u qoondaysay jasiiradda afarta heer ugu hooseysa ee dhanka la-talinta dadka socdaalka ah.
Sida laga soo xigtey ilaha Messenger, diyaarinta qorshooyinka daadguraynta ayaa hoos loo dhaqay “maxaa yeelay waa mowduuc xasaasi u ah dowladda Taiwan” oo aan jeclaysan doonin tillaabadan.
Hadalsame Media