(London) 14 Juun 2023 – Taageerayaasha Premier League ayaa galay jahwareer markii sawir la dusiyey oo kasoo muuqday Twitter uu muujiyey wareegga koowaad ee ciyaaraha Horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedka 2023-24, laakiin faahfaahinta muhim ah ayaa maqan.
Isku aadka xilli ciyaareedka cusub ayaa la soo bandhigi doonaa berritoole 9am BST Khamiis Juun 15, laakiin taageerayaasha ayaa iska dhaadhiciyey inay heleen xog si rasmi ah markii ay indhuhu qabteen sawir la gooyey oo muujinaya dokumenti ciwaankiisu ahaa ‘WAA KA MANUUC: LAMA OGOLA IN LA BAAHIYO KAHOR 09:00 BST 15 JUUN 2023’.
GW1 fixtures according to a leak 👀 pic.twitter.com/ukqnxy64Tz
— UtdXclusive (@UtdXclusive) June 14, 2023
WaxaA KA MUUQDA in horyaallada Manchester City ay marti u yihiin Burnley iyo Manchester United oo gurigeeda ku qaabilaysa Brighton – laakiin waxay ahayd ciyaarta Luton Town taasoo soo jeedisay in dokumentigani uu run ahaantii been abuur yahay.
Kooxda cusub ee dhowaan lasoo dallacsiiyey ayaa lagu khasbi karaa inay ciyaaraan inta ugu badan kulamadooda bilowga ah oo seddex kulan gaaraya meel ka baxsan gegadooda abuu cariishka ah ee ku yaalla Kenilworth Road iyadoo walaac laga qabo in la heli karo waqti ku filan hagaajinta garoonka xilligaa kahor.
Si loo buuxiyo shuruudaha horyaalka Ingiriiska, Luton waxa ay horumarinaysaa Bobbers Stand oo ku yaalla Kenilworth Road si ay u hoggaansamaan, BBC-du waxa ay ka warbixinaysaa in Premier League uu kala xaajoonayo kooxda sidii ay ku ogaan lahaayeen xilliga ay ku ciyaari karaan gurigoodaa toddobaadyada ugu horreeya.
Yeelkeede, dokumentiga la dusiyey ayaa sheegaya in Luton ay todobaadka koowaadba gurigeeda kula dheelayso kooxda Liverpool – taasoo ah arrin aan maangal ahayn marka la eego xaaladda aanu soo sheegnay.
Hadalsame Media