(Washington) 14 Juun 2023 – Millateriga Maraykanka ayaa diidey inay xaqiijiyaan burburinta baabuurta gaashaaman ee uu Maraykanku sameeyey intii lagu guda jiray duullaanka rogaal-celiska ah ee Ukraine ee ka dhanka ah Ruushka.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Moscow ay sii daysay muuqaallo muujinaya gawaarida dagaalka ee M2 Bradley oo gubtey kuwaasoo ay wateen ciidamada Kiev.
“Waan arkay warbixinnada laakiin ma xaqiijin karo qaar ka mid ah muuqaalada iyo sawirrada soo baxaya,” ayay tiri Xigeenka Xoghayaha Pentagon Sabrina Singh oo la hadashay suxufiyiinta Talaadadii. “Kaliya ma awoodi doono inaan xaqiijinno wararkan .. ugu yaraan waxa aan ka aragno dhanka [Ruushka].”
Talaadada wuxuu Maraykanku sheegay inuu u diri doono baabuur badan oo gaashaaman oo Bradley iyo Stryker ah dhanka Kiev – kuwaasoo qayb ka ah xirmo $ 325 milyan ah oo Doollar ah oo laga soo qaadayo kaydka Pentagon-ka – kamasse jawaabin khasaaraha goobta dagaalka.
Bishii la soo dhaafay, Pentagon-ka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay meesha ka saareen caddaymo sawir iyo muuqaallo ah oo muujinaya qalab uu Maraykanku keenay oo Ukraine u adeegsanaysey inay ku weerarto Gobolka Belgorod ee Ruushka iyagoo ku tilmaamay “sawirro shaki ku jiro oo lagu faafiyey baraha bulshada ah.”
Hadalsame Media