Shaki ka dhashay hadalka Danjiraha Somalia u fadhiya UK

0

(London) 13 Juun 2023 – Mudanaha lagu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya UK, Cabdulqaadir Axmed Khayr, hadalkiisu shaki weyn buu aniga igu dhaliyay.

Waxa uu yiri “Dhallinyaradii UK airports laga celiyay waraaqo ayaan u qornay caddaynaysa in asalkoodu uu Soomaali yahay, waxa kaloo aan shirkadaha u sheegnay dadkaasi inay fiisaha airport-ka Muqdisho, Garoowe ama Hargeysa ka qaadanayaan”.

Waan gaartay qaybta labaad ee ah in dal-ku-galka laga qaato airport-ka laga gelayo Soomaaliga iyadoo weliba $60 la bixiyo.

Hase yeeshee maxaa kallifaya inay safaaraddu tiraahdo warqad baan qoraynaa? Warqadda la qorayaa soow lacag ma aha? Miyaanu shirkadaha diyaaradaha ku dhihi karin: “Cid kasta oo European Passport sidataa dal-ku-gal airport-ka ayaa laga siinayaa ee ciddii return ticket wadata qaada”. Soow kharashkii ay dadku ka cararayeen oo si dadban looga qaadayo iyo waqti iyo juhdi safaarad aadis looga luminayo oo soo kordhay ma aha?

Waxan u malaynayaa in safaaradda Soomaalida ee UK iyo shirkadaha diyaaraduhu ay daaha gadaashiisa iskala xiriiraan.

Ugu dambayn, mudanuhu waxa uu yiri: “Safaaradda oo soddon sano xirnayd, sanadkan billowgiisii ayaa dib loo furay”, hadalkaasi ma sax baa?

Sabriye Musse
moqokori@gmail.com