(Jabuuti) 13 Juun 2023 – Madaxwayne William Ruto iyo dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Geelle, ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo dhimista ciidamada gobolka ee Soomaaliya iyo awoodaha amniga ay u leeyihiin ciidamada dalka Somalia.
Labada mas’uul oo shir jaraa’id ku qabtay dalka Jabuuti ayaa u muuqdey kuwo soo jeedinaya inaysan taageeri doonin hindise kasta oo lagu baabi’inayo waqtiga iyo sharciyadda ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo aan la xaqiijin karin in Soomaaliya ay awood u leedahay inay si hufan ula dagaallanto Al-shabaab, sida ay sheegeen.
Tiiyoo la raacayo qaraarka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2670, Howlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la filayaa in laga dhimo ilaa 2,000 oo askari marka la gaaro bishan Juun 30-keeda, si qaab is xigxiga marka dambe mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo fuliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.
Ruto iyo Geelle ayaase waxay ku adkaysteen baahida loo qabo in la ilaaliyo guulihii ay ilaa haatan soo gudbiyeen ciidamadii ATMIS ka horreeyay, ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ama AMISOM, waloow ATMIS ay haatan u muuqdaan kuwo fadhiid ah.
“Annagoo ah dalalka ciidamada ugu deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaan ku heshiinnEy in shir-madaxeedka IGAD ee soo socda in looga hadlo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaareen CIIDAMADA AMISOM/ATMIS.” ayay sababta ku sheegeen.
Hadalsame Media