XOG: Guardiola oo ka tegaya kooxda Man City & Waqtiga oo la shaaciyey

0

(Hadalsame) 12 Juun 2023Pep Guardiola ayaa weli ku dhex jira dabaaldegyada Treble-ka taariikhiga ah ee uu u qaaday Manchester City, laakiin waxa uu sidoo kale muddeeyey taariikhda uu baxayo, sida ay wararku sheegayaan.

Tababaraha reer Catalan ayaa waxaa si wayn loogu tixgaliyaa mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka, wuxuuna ku naallooday guulo la taaban karo oo uu la gaaray Manchester City tan iyo markii uu ku soo biiray xagaagii 2016-kii.

Laakiin hadda Guardiola ayaa u muuqda inuu meesha ka saaray in uu kooxda sii joogo wax ka badan dhamaadka heshiiskiisa haatan, waxaana lagu wadaa in uu tago fasalka 2025-ka, sida laga soo xigtey The Guardian.

Toddobadii sano ee uu 52-jirkani ku qaatay Etihad ilaa hadda waxay ahaayeen kuwo aan la filayn, iyadoo qaar badan oo ka mid ah falanqeeyayaashy ay filayeen inuu ka tegayo dhamaadka qandaraaskiisii hore ee saddexda sano ahaa, balse waa loo kordhiyey.

Heshiis kordhin dheeraad ah ayaa laga saxiixay bishii Nofeembar, iyada oo ay Citizens ugu dartay laba sano iyo bar kale, taasoo soo afjaraysa joogistiisa dhamaadka xilli ciyaareedka 2024-25.

The Guardian ayaa sheegay in markaa kaddib uu kooxda ka tegayo kaddib 9 sano oo guul ah.

Hadalsame Media