”Waan daanyeerro” – Romania oo yeertay Danjirihii u fadhiyey dalka Kenya

0

(Hadalsame) 12 Juun 2023 – Romania ayaa dib ugu yeereysa safiirkeeda Kenya u jooga Bucharest waxayna raalligelin ka bixisay hadal uu yiri markii uu daanyeer barbar dhigay diblomaasiyiinta Afrikaanka ah xilli uu shir guddoominayey.

“Koox Afrikaan ah ayaa nagu soo biirtay,” ayuu yiri Danjire Dragos Tigau markii uu daanyeer soo fuulay daaqadda qolka shirarka, sida ku cad warqadda lagu dalbanayo raalligelinta oo uu arkay CNN.

Dokumentiyo sir ah oo uu helay CNN ayaa muujinaya caro ka timid diblamaasiyiin Afrikaan ah oo ku hanjabay inay ka bixi doonaan shirarka haddii uu Safiirkani kasoo muuqdo.

“Kooxda Afrikaanku waxay jeclaan lahaayeen inay si adag u cambaareeyaan aflagaadada, cunsuriyadda iyo hadalladan bahdilaadda ah,” ayuu qoray Chol Ajongo, Safiirka Koonfurta Suudaan u fadhiya Kenya oo hoggaamiya diblamaasiyiinta Afrikaanka ah ee Nairobi.

Dokumenti kale ayaa sheegay in Xigeenka Safiirka Ruushku “uu ku canaantay” sarkaalka Romanian-ka ah hadalkaasi isagoo raalligelin ka bixiyey “kaddib markii uu labalabayn sameeyey.”

Laba warqadood oo raalligelin ah ayuu Tigau u kala diray diblamaasiyiinta Afrikaanka ah kuwaasoo ay 4 maalmood u dhaxeeyeen.

Tigau ayaa markii hore sheegay in faallooyinkiisu ay yimaaddeen kaddib “kulan dheer, kulul oo si wayn loogu dooday” ayna ahaayeen isku day uu ku “dejinayey jawiga.” Markii dambe qoraalka wuu ka saaray qaybtaas.

CNN ayaa la xiriirtey Tigau si uu faallo uga bixiso arrintan, balse uma soo jawaabin.

Hadalsame Media