Trump & Boris Johnson oo beri qar ka tuuri gaarey Somalia (Wixii dhacay & Halka ay ku dhamaatay?)

0
web_Trump and Johnson

(Hadalsame) 12 Juun 2023 – Siyaasadda shacbawiga qar iska tuurka ah (populism) waa tan saakay labadaa nin ayaatiin xumida ku ridday. Donald Trump waxaa lagu soo oogay dacwad lagu eedeeyey in uu sir qaran oo xasaasi ah hoygiisa geystay, iyo in uu dalal kale la wadaago, halka Boris Johnson uu iska casilay xildhibaannimadii Baarlamanaka Ingiriiska, kaddib markii uu ogaaday in xilka laga qaadayo, maadaam uu ku xad-gudbay anshaxii jebiyeyna xeerkii xildhibaannimada.

Johnson waxaa horay looga soo raacdeeyay xilkii Raysalwasaaraha, wuxuu ahaa ninkii u horseeday Ingiriiska go’aankii ugu saamaynta ba’naa ee dalkaasi uga baxay Midowga Yurub.

Labadan nin Trump iyo Boris waxay ka sinnaayeen siyaasadda shacbawiga, qar iska tuurka ah ee ku dhisan in laga faa’iidaysto caadhifada, xamaaska iyo laablakaca shacabka qaybihiisa nugul ee caamada u badan. Waxay sheegteen in ay wadaniyiin yihiin oo ay dalkooda ka difaaciyaan qaxooti, soo galooti iyo ajnabi ku soo duulay.

Haddii ayan saa yeelina ay ajanabiga, madowga, iyo muslimiinta ka tira badan doonaan dadka caddaankii dhaladka ahaa, muddo koobanna ay la wareegayaan. Si ula kac ah ayey u adeegsadeen xog iyo tirakoob aan jirin iyo warar been abuur ah.

Labadaa nin waxay iska fogeeyeen cid kasta oo garasho iyo xilkasnimo u saaxiib ah, waxay iska diideen xaqiiq iyo xujo kasta oo la hordhigay, si isku mid ah ayeyna saaxiib, sokeeye iyo shisheeyaba ula dhaqmeen, balse mararka qaarkood sida Trump oo kale shisheeyaha ayuu sokeeyaha kaga dhowaa.

Xilli kooban ayey ku soo caan baxeen oo ay samada sare tageen, laakiin muddo kooban ayaa la isaga qabtay oo maanta labadoodii ayaatiin xumi ayey ku danbeeyeen.

Iska qabashada labadaa nin waxaa qayb wayn ka ah bisaylka iyo xoogganaanta hay’adaha dawladeed ee labada dal iyo bulshada rayadka ah sida; warbaahinta, xarumaha cilmi baarista, ururrada bulshada iyo kuwa xuquuqul insaanka, ganacsatada, jaamacadaha, bahda suugaanta iyo dhaqanka in ay dalkooda ka badbaadsadaan.

Siyaasadda shacbawiga ah (Populism) waa daahiro dunida qabsatay sanadihii danbe, dabaysheedana si xoog leh u jiirtay waddama la isla lahaa bisayl dimoqoraadiyad ayaa ka jira. Soomaaliya xitaa halis ayey gelisay oo waxaan ku siganay in ay haadaan naga tuurto. Taa gabalkeedu waa dhacay, sababtoo ah waa mar soo bax hal mar lagu sirmay.

W; Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hadalsame Media