TIRAKOOB: Ragga Jarmanka ayaa muujiyey inay ”caadi” la tahay in dumarka la garaaco

0

(Berlin) 12 Juun 2023 – Koox u doodda sinnaanta jinsiga ee Jarmanka ayaa ku tilmaantay “naxdin” natiijada ra’yi ururin dhowaan la sameeyey oo lagu ogaaday in saddex-meelood meel ragga dalkaas ku nooli ay u arkaan “wax la aqbali karo” inay jir-dil u gaystaan lammaanaha dumarka ah marka ay dood kululi dhexmarto.

Sahan laga sameeyey dalka oo ay ka qaybgaleen 1,000 rag ah iyo 1,000 dumar ah oo ku nool dalkan, oo ay daabacday todobaadkii hore hay’adda samafalka carruurta ee Plan International Germany, ayaa muujisay in 33% ragga da’doodu u dhaxayso 18 iyo 35 ay u arkaan wax aan dhibaato ahayn isticmaalka gacan ka hadal haddii ay murmaan haweeneyda.

Sidoo kale 34% ka mid ah jawaab bixiyaasha ayaa qirtay inay dumar horay ugula soo dhaqmeen gacan ka hadal.

Karsten Kassner, oo ah u doodaha sinnaanta ragga iyo dumarka ee kooxda Federal Forum Men, ayaa sheegtay in natiijada sahanku ay yihiin “wax laga naxo” waxayna soo jeedisey in ay muujinayso in xadgudubyada ragga dhallinyarada ahi ay u gaystaan haweenka ay caadi yihiin.

“Waa dhibaato in saddex meelood meel ragga la waraystay ay fududeeyeen gacan ka hadalka ka dhanka ah haweenka,” ayay Kassner u sheegtay wargayska Funke ee Jarmanka. “Tani waxay si deg deg ah ugu baahan tahay in wax laga beddelo.” ayay raacisay.

Tirakoobyada ay soo aruriyeen Booliiska Federaalka Jarmanka sanadkii 2021-kii ayaa muujinaya in in ka badan 115,000 oo haween ah ay dhibanayaal u ahaayeen gacan ka hadal guri ama xadgudub xaaseed sanadkaas – celcelis ahaan 13 haween ah ayaa lagu tacadiyey saacad kasta. Isla sanadkaas, 301 haween ah ayaa waxaa si rasmi ah u diley lammaanahooda.

Hadalsame Media